Taariikhda

Xilidhibaan Marko Liias waxa uu matalayaa bulshooyinka Degmo Maamulka 21aad, kuwaas oo ay ku jiraan xaafadaha Edmonds, Everett, Lynnwood, iyo Mukilteo.

Waxa uu weligiiba ahaa reer Washington, Marko waxa uu ku dhashay oo uu ku koray bulshada dhexdeeda uu ku matalayay Xeerka ilaa 2008. Kadib markii uu ka qalinjabiyay dugsiyada shacabka Mukilteo, waxa uu noqdan qofkii ugu horeeyay qoyskiisa ee gala kuuliyad oo waxa uu markaa gaadhay Georgetown University kaas oo heley daynta ardayda iyo deeq waxbarasho. Waxa uu ku qaaday Maaster Maamulka Shacabka oo uu ka qaaday Daniel J Evans School of Public Policy & Governance ee Georgetown University.

Kuuliyada kadib, Marko waxa u janjeedhsamay ganacsi yar oo qoyska ah kaas oo markaa ka shaqayn jiray dhismaha deegaanka u wanaagsan. Maadaama oo uu ka mid ahaa rugta ganacsiga deegaanka Marko waxay ku dhalisay inuu dawlada galo. Waxaa markii ugu horeysay Dawlada Hoose ee Magaalada Mukilteo loo doortay 2005, halkas oo uu kula shaqeeyay dadka deegaanka iyo kooxda bulshada si ay markaa u badbaadiyaan wax ka badan 100 eekar oo kaynta quruxda badan ah si ayna u dhisin Japanese Gulch, taas oo markii danbe laga dhigay beer nasasho.

2008, Marko waxa loo magacaabay Aqabka Wakiilada taas oo uu ku guulaystay sadex jeer doorashada. 2014, waxa loo magacaabay Xildhibaan, kaas oo markaa markii sadexaad uu iminka ku jirto wakhtigiisa xildhibaanimada. Intii uu ku jiray shaqada Xeer Dejinta, Xildhibaan Liias waxa uu khasab xeerar lagu dhisayo dhaqaalaha taas oo markaa cid kasta ka faa’idasanayso si markaa loo abuuro dhabo culus oo waxbarasho iyo fursad, isaga oo sidoo kale diirada saaraya tayada iyo cadaalada dhamaan dadka reer Washington.

Xildhibaan Liias waxa uu kaa cidii kowaad ee kafaale qaaday ansixintii Sound Transit 3, balaadhintii ugu balaadhnayd ee tareenka taariikhda gobolka. Shaqada xaafada oo dhan, waxa uu ahaa cidii kowaad ee heshiisyada la gorgortamaysayn maalgelinta gaadiidka ee ugu balaadhan ee taariikhda gobolka iyo sidoo kael hormarka ugu wayn ee barnaamijka fasaxa mushaharka leh ee qoyska iyo caafimaadka ee shacabka.

Xildhibaan Liias waxa uu hogaaminayay ilaalisan dhalinyarta khaniisiinta (LGBTQ) ah ee Washington isaga oo markaa mamnuucay dabiibka sidoodii kasoo celinta. Waxa uu diirada saaray la dagaalanka daynta ardayda, waxaanu dhawr xeer kasoo saaray oo ku saabsan Student Loan Bill of Rights (Xuquuqda Sharciga Daynta Ardayda), iyo barnaamijyada dib u maalgalinta daynta kuuliyada, iyo barnaamijka cusub ee ribada yar ee daynta ardayda ardayda aan waraaqaha haystan iyo Dadka Ku Dhashay Maraykanka Lakiin Bilaa Waraaqaha ah (Dreamers).

Sanadii ugu danbeeyay, Xildhibaan Liias waxa uu diirada saaray abuurida shaqooyinka iyo fursado qayb kasta oo gobolka ah, kaas oo markaa ansixiyay xeerka baalindhia wax soo saarka geedaha timberka ka baxa Washington, ka taageeraya ilaalinta beerista iyo barnaamij caafimaad ciida gobolka oo dhan, oo waxa uu ka ilaaliyay barnaamijka socdaalka hawada sare ee gobolka cashuuraadka Yurub.

Sidoo kale intii uu Xeer Dejinta ahaa, Marko waxa weeye borofeesar jaamacadeed, waxaanu dhigaa duruusta Dawlada Maraynka. Waxa uu sidoo kale wakhti ugu deeqaa barnaamijka Daynta Kamiak High School (Dugsiga Sare ee Kamiak), waxa uu kasooni ugu adeegay Seattle Repertory Theatre, waxaa uu sidoo kale xubin sharafeed ka yahay National Nordic Museum.